Khabiirka kubadda cagta England ahna xiddigii hore ee Arsenal ee Paul Merson oo dhiibtay saadaashiisa toddobadlaha ah ee horyaalka Premier League

Khabiirka kubadda cagta England ahna xiddigii hore ee Arsenal ee Paul Merson ayaa sidii looga bartay dhiibtay saadaashiisa toddobadlaha ah ee horyaalka Premier League oo galaya Usbuucii labaad ee xilli ciyaareedka 2022-23.

Aan ku bilawnee Merson ayaa qaba in kooxdiisii hore ee Arsenal sii wadi doonto bilawga fiican oo ay Emirates Stadium ku dardari doonto kooxda kaliya ee aan wali hal ciyaaryahan suuqan kala saxeexan ee Leicester City.

Paul ayaa sidoo kale guushii labaad oo xidhiidh ah siiyay kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man City isaga oo aaminsan inay si sahlan kaga talaabsan doonaan Bournemouth oo Etihad Stadium kusoo martiyaysa.

Kooxda uu Merson kulankii labaad oo xidhiidh ah inay dhibco luminayso u saadaaliyay ayaa ah Manchester United oo booqanaysa Brentford wuxuuna qabaa in ciyaartaas barbardhac lagu heshiin doono

Kulanka ugu adag toddobaadkan ee ay Chelsea qaabilayso kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Tottenham ayuu Merson u rajeeyay isagana barbardhac ay galaan Thomas Tuchel iyo Antonio Conte.

Liverpool oo kulankeedii koowaad barbardhac waji gabax leh kala kulantay kooxda dhawaan soo dalacday ee Fulham ayuu Merson guushii ugu horreysay ka siiyay Crystal Palace.

Saadaasha Oo Dhammaystiran

Aston Villa 2-0 Everton

Southampton 2-1 Leeds United

Arsenal 3-0 Leicester

Brighton 1-1 Newcastle

Man City 4-0 Bournemouth

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*