Khabiirka Pearce oo saadaaliyay Xidigaha Khadka Dhexe ee Liverpool kaga hortageyso Manchester United

Liverpool ayaa isku diyaarinaysa inay guul ka keento Manchester United si ay hoggaanka horyaalka Premier League ugu sii negaato, waxaana uu Jurgen Klopp sii shaaciyey inuu si adag ugu diyaar-garoobayo kulankan.

Garoonka Anfield ayaa Axadda soo socota martigelin doona ciyaarta ugu weyn horyaalka Premier League, waxaana garoonka oo taageereyaal la’aan ah foodda isku dari doona Liverpool iyo Manchester United, waxaana natiijada kasoo baxda ay ka qoslin doontaa hal koox, halka ay tan kalena ku noqon doonto mid aanay jeclaysanin.

Manchester United ayay ciyaartani u iman kartaa iyadoo saddex dhibcood oo nadiif ah hoggaanka ku haysa, waa se haddii ay sii badiso kulankii baaqiga u ahaa oo ay Salaasa la ciyaari doonto Burnley.

Tababare Jurgen Klopp ayaa lasii saadaaliyey shaxda uu kala hortegi doono Manchester United, gaar ahaan saddexda ciyaartoy ee khadka dhexe ugu soo bilaaban doona ciyaartaa.

Khabiirka ciyaaraha James Pearce oo ka hawlgala wargeyska The Athletic ayaa waxa sii sheegay in Liverpool ay ciyaartan kusoo bilaabi doonto kabtankeeda Jordan Henderson oo kusoo laaban doona khadka dhexe kaddib kulankii guul-darrada ee Southampton ee uu ka ciyaaray difaaca.

Laacibka qandaraaskiisu sii dhamaanayo ee Gini Wijaldum ayaa isaguna booskiisa xajisan doona oo lama taabtaan ka noqon doona safka Reds, balse waxa aan fursad helaynin da’yarka wacdaraha dhigayay ee Jones oo kaydka loo diri doono.

Alex Oxlade-Chamberlain oo si lama filaan ah ugu soo bilowday ciyaartii Southampton isagoo kasoo laabtay dhaawac ayaa daawade ka noqon doona ciyaarta, inkasta oo uu fursad u heli doono inuu beddel kusoo galo, sidaas oo kalena James Milner, Xherdan Shaqiri iyo Naby Keita ayaa iyaguna aan heli doonin kusoo bilaabasho.

Fabinho oo hore khadka dhexe ula wadaagi jiray Henderson iyo Wijnaldum ayaa mar kale kasoo muuqan doona khadka difaaca oo uu ka ciyaarayay tan iyo bishii October markii ay dhaawacmeen Virgil van Dijk iyo Joe Gomez.

Pearce oo saadaashiisa samaynayay ayaa waxa uu yidhi: “‘Wax xiise leh ayay noqon doontaa khadka dhexe uu Klopp soo xusho ciyaarta Manchester United. Waxay ila tahay inuu lasoo bixi doono Thiago, Henderson iyo Wijnaldum.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*