Home Wararka Ciyaaraha Maanta Khadka dhexe ee Liverpool Fabinho oo ka warbixiyay soo laabashadiisa dhaawaca

Khadka dhexe ee Liverpool Fabinho oo ka warbixiyay soo laabashadiisa dhaawaca

0

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Fabinho ayaa sheegay inuusan hubin waqtiga uu ka soo laabanayo dhaawaca.

Xiddiga reer Brazil ayaa dhaawac muruqa ah ka soo gaaray kulankii FA Cup ee ay guuldarada ka soo gaartay Manchester United , waxaana uu seegay seddexdii kulan ee Reds tan iyo markaas.

Isaga oo la hadlaya barnaamijka rasmiga ah ee Liverpool ee 27-jirka ayaa yiri:

“Waxaan go’aansanay inaanan ciyaarin kulanka Tottenham ama West Ham.“Si sax ah uma hubin inta aan maqnaanayo laakiin waxaan si adag u shaqeynayaa inaan ku soo laabto ciyaartii sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Fabinho ayaa udub dhexaad u ahaa guusha Liverpool tan iyo markii uu ka yimid kooxda Monaco xagaagii 2018.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here