Home Horyaalka Ingiriiska Kieran Tierney oo ku soo laabtay tababarka kooxda Arsenal ka hor kulanka...

Kieran Tierney oo ku soo laabtay tababarka kooxda Arsenal ka hor kulanka Benfica

0

Daafaca Arsenal Kieran Tierney ayaa ku soo laabtay garoomada tababarka ka hor kulanka Europa League ee ay la ciyaarayaan Benfica.

Daafaca bidix ayaa seegay isbuucyadii dhawaa tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray kubka, taasoo ku qasabtay inuu ka fariisto Gunners shantii kulan ee ugu dambeysay Premier League.

Cedric Soares wuxuu qabtay shaqo lagu qanco oo buuxinta dhanka bidix, laakiin Tierney wuxuu cadeeyay inuu yahay mid aan lagu bedeli karin booskaas , tababaraha Arsenal ayaana hada heley mid kamid ah Daafacyada muhiimka.

Arsenal ayaa dhawaan la wadaagtay fiidiyow kooxdii ugu horeysay ee isku diyaarineysa kulanka lugta hore ee wareega 32da Europa League ee lugta hore ee Benfica, waxaana Tierney la arkaayay isagoo ka qeyb qaadanaya.

23 jirkaan ayaa hada taam u ah Kulamada Soo Socda ee Kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here