Klopp oo u dagaalamaya inuu sii haysto Xidiga Gomez Xagaagan

Rajada tababaraha Aston Villa ee Steven Gerrard ee ku aadan saxiixa Joe Gomez ee Liverpool ayaa dhabar jab weyn la kulantay.

Sababta oo ah tababaraha Reds Jurgen Klopp ma doonayo inuu u ogolaado daafaca inuu baxo bishaan suuqa kala iibsiga, sida ay qortay Football Insider .

Ilo wareedyo laga helayo Liverpool ayaa daaha ka qaaday in Klopp uu doonayo inuu Gomez ku sii hayo kooxda si uu u ilaaliyo difaaca Reds inta lagu jiro qaybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Aston Villa ayaa doonaysay inay amaah ku qaadato Gomez inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*