Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man United Kobbie Mainoo ayaa soo dhigay baraha bulshada fariin uu u diray xiddiga Chelsea Cole Palmer ka dib markii ay labadooduba kasoo muuqdeen abaalmarinta British GQ Men of the Year.
Palmer, oo 22 jir ah, iyo Mainoo oo 18 jir ah waxay ku riyaaqeen ololayaal kala duwan xilli ciyaareedkii hore, iyaga oo xubin muhiim ah ka noqday kooxahooda.
Sidookale waxay qeyb ka noqdeen jiilkii dahabiga ahaa ee xulak England ee uu watay Gareth Southgate kuwaas oo gaaray Finalkii Euro 2024.
Inkasta oo Palmer uu caddeeyay qiimaha uu u leeyahay kooxdiisa iyo wadankiisa, Mainoo ayaa ku dhibtooday taam ahaanshihiisa xilli ciyaareedkan iyadoo Man United ay fadhido kaalinta 13aad ka dib 11 kulan oo Premier League la ciyaaray.
Dhinaca kale Wax badan ayaa ka dhacay Old Trafford tan iyo markii Mainoo uu saftay kulankii ugu dambeeyay Man Utd oo barbaro 0-0 ah la gashay Aston Villa bilowgii October.
Erik ten Hag oo ahaa ninkii usoo dalacsiiyay kooxda koowaad ee Man Utd ayaa la ceyriyay, waxaana da’yarka khadka dhexe uu ku qasban yahay inuu si adag uga shaqeeyo sidii uu u qancin lahaa macalinka cusub ee Ruben Amorim.