Home Horyaalka Spain Koeman oo Soo saaray Liiska uu kaga hortegaayo Sevilla iyo Ronald Aruojo...

Koeman oo Soo saaray Liiska uu kaga hortegaayo Sevilla iyo Ronald Aruojo oo kusoo laabtay Safka barcelona.

0

Ronald Koeman ayaa ku soo daray Ronald Araujo kooxda Barcelona kulan ka dhici doona garoonka Sevilla ee Estadio Ramon Sanchez-Pizjuan galabta

Blaugrana ayaa u safri doonto garoonka kooxda Sevilla ka hor inta aysan ku soo dhaweyn Camp Nou afar maalmood ka dib lugta labaad ee semi-finalka Copa del Rey, kaasoo Sevilla ay 2-0 ku adkaatay lugta hore.

Araujo ayaa dhaawac soo gaadhay 7dii Febraayo guushii ay ka gaareen Real Betis, taas oo keentay inuu seego kulamada Alaves, Cadiz iyo Elche ee LaLiga Santander, Sevilla ee Copa iyo Paris Saint-Germain ee Champions League, laakiin hadda wuxuu awoodaa inuu ciyaaro kulankaan.

Ciyaartaan Barcelona waxaa ka maqan Miralem Pjanic ka dib markii uu dareemay xanuun yar canqowga midig. Taasi waxay albaabka u furtay Ilaix Moriba in lagu daro kooxda Sevilla.

Safka diyaarka u ah barcelona kulanka Sevilla:

Goolhayeyaasha: Marc-Andre ter Stegen, Neto, Inaki Pena.

Difaacayaasha: Sergino Dest, Gerard Pique, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Jordi Alba, Samuel Umtiti, Junior Firpo, Oscar Mingueza.

Ciyaartoyda khadka dhexe: Sergio Busquets, Riqui Puig, Pedri, Matheus Fernandes, Frenkie de Jong, Ilaix Moriba.

Dhanka hore: Antoine Griezmann, Martin Braithwaite, Lionel Messi, Ousmane Dembele, Francisco Trincao.

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here