Kolarov oo ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay Ciyaaraha

Daaficii hore ee kooxaha Manchester City iyo Inter Milan Aleksandar Kolarov ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha.

Serb-ka 36-jirka ah wuxuu soo maray nidaamka Red Star Belgrade.

Waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray Cukaricki, OFK Belgrade iyo Lazio ka hor inta uusan koobab kula raaxaysan City iyo Inter.

Kolarov wuxuu yiri, “Mar walba waan ogaa in xilligan ay soo dhowaan doonto.

“Inkasta oo aan ka xumahay in aan xidho cutubkan nolosheyda, waxaan ku faraxsanahay in aan guulo badan gaaray, waligeyna waan ku riyoon jiray.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*