Home Warar Ciyaaraha Maanta Kooxda Barcelona oo xasuuqday kooxda Villarreal kuna caro-baxaday

Kooxda Barcelona oo xasuuqday kooxda Villarreal kuna caro-baxaday

0

Kooda Barcelona ayaa xasuuqday kooxda Villarreal kuna cadho bur-burtay kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee champions League.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa ahaa xiddiga ciyaarta isaga oo laba gool ka dhaliyay kulanka wacdaro-na dhigay.

Lewandowski ayaa daqiiqadii 20-aad furay goolasha waxana uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Isla Lewandowski ayaa soo laabtay daqiiqadii 35-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ka hor inta ayna Villareal dhalin gool daqiiqadii 38-aad.

Qaybtii dambe ayay Barcelona ku dur-durisay Villarreal waxana ay dhaliyeen 3 gool oo bilaa jawaab ah.

aqiqiadii 58-aad ayuu Pablo Torre u dhaliyay Barcelona goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 3/1.

Xiddiga Raphinha oo la qaban laayahay ayaa dhaliyay laba gool oo darandoori ah daqiiqadihii 74-aad iyo 84-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona dheeraystay hogaanka horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here