Bayer Leverkusen ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay u dhaqaaqdo bisha Janaayo daafaca dambeedka midig ee kooxda Arsenal Sead Kolasinac.
Daafaca heerka caalami ee xulka Bosnia iyo Herzegovina ayaa hoos uga dhacay kooxda waqooyiga London ka dhisan xilli ciyaareedkan, isagoo kaliya hal kulan ciyaaray Premier League inta badan waqtigiisa ciyaareed.
27 jirkaan daafaca ah ayaa lagu xamanayay inuu ka tagayo Gunners inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo Bayer Leverkusen ay ka mid tahay kooxaha xiiseynaya markaasi, Sport Bild ayaa sheegeysa inay ka fiirsaneyso inay dib u soo nooleyso xiisihii ay u qabtay suuqa kala iibsiga ee xidigan.
Daafacan qandaraaskiisa uu haatan kula joogo kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa dhacaya 2022, si kastaba ha noqotee, waxaa la rumeysan yahay inay u furan yihiin inay la wareegaan xidigan.
Leverkusen ayaa la rumeysan yahay inuu ku guuldareystay dalab 9 milyan oo ginni ah xagaagii lasoo dhaafay waxaana la rajeynayaa inay la soo laabto dalab la mid ah haddii ay dib u soo celiyaan xiisahooda.