Koox Serie A ka dhisan oo dooneysa inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man Utd

Photo Getty

Kooxda heysata horyaalka Serie A ee Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay si dhab ah ugu tartameyso inay hesho adeega ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man Utd oo aan ku faraxsaneyn kooxda Paul Pogba marka dib loo furo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Wakiilka ciyaaryahanka khadka dhexe Mino Raiola ayaa shaaca ka qaaday in waqtigiisa Old Trafford uu qarka u saaran yahay inuu dhamaado, waxaana uu ku booriyay kooxda reer England inay iibiyaan bisha Janaayo.

Kooxda heysata 20ka jeer hanashada horyaalka Ingariiska ayaa la rumeysan yahay inaysan rumeysneyn in Los Blancos ay heysato lacagihii looga baahnaa inay kula soo saxiixato 27 jirkaan bisha Janaayo ka dib saameynta dhaqaale ee ka timid coronavirus.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda heysata horyaalnimada Talyaaniga ayaa u muuqata ‘ikhtiyaar dhab ah’ inay dib ula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee ku guuleystay Koobka Adduunka sannadka 2021.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France ayaa ku guuleystay afar koob oo Serie A ah intii uu la joogay kooxda heysata horyaalka Serie A ka hor inta uusan ku laaban England.

Paul Pogba ayaa inta badan ku dhibtooday inuu ka soo muuqdo Red Devils, waxaana si joogta ah loogu xamanayay inuu ka tagayo kooxda 12-kii bilood ee la soo dhaafay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*