Kooxaha Arsenal iyo Newcastle oo ku dagaalamaya Saxiixa Jonathan David

Arsenal iyo Newcastle United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan inay ku dagaalamaan saxiixa weeraryahanka Lille Jonathan David .

Xili uu ka caawinaayay Canada inay u gudubto isreebreebka Koobka Adduunka, 22 jirkaan saamigiisa ayaa sidoo kale sare u kacay Yurub.

David ayaa dhaliyay 15 gool Ligue 1 iyo Champions League xilli ciyaareedkan, waana wax ku darsaday inuu ka caawiyay Lille inay ku guuleysato horyaalka France ololihii ugu dambeeyay.

U wareejinta koox weyn oo Yurub ah ayaa la filayaa dhamaadka 2022, iyadoo The Mirror ay sheegtay in Gunners iyo Magpies ay safka hore joogaan.

Arsenal kuma cusba inay ganacsi la sameyso Lille iyadoo horay ula soo wareegtay Gabriel Magalhaes iyo Nicolas Pepe , halka la sheegay in Newcastle ay horay ula xiriirtay wakiilada ciyaaryahanka.

David weli waxa qandaraaskiisa uga haray in ka badan seddex sano, taasoo ka dhigeysa Lille meel adag oo ay ku dalbaneyso lacag ku haboon wareejinta mid ka mid ah hantidooda ugu qaalisan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*