Home Falanqeynta Kulamada Kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona oo guulo gaaray kulamada Horyaalka La Liga

Kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona oo guulo gaaray kulamada Horyaalka La Liga

0

kooxda Atletico Madrid ayaa booqasho ugu tagtay dhigeeda Cadiz kulan ka tirsan Horyaalka Spain ee la liga.

Xidigaha Atletico ayaana 2-4 uga badiyay kooxda Cadiz iyagoo xalay si kumeel gaar ah hogaanka ugu qabtay 10 dhibcood oo nadiif ah.

Goolasha Atletico Madrid Waxaa ka saacday Luis Suarez, Daqiiqadii 28-aad, Saul Niguez Daqiiqadii 44-aad iyo qeybta danbe Luis Suarez Mar kale goo rigoore ah Daqiiqadii 50-aad iyo Koke oo dhaliyay goolka Afaraad daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta Kooxda Cadiz ayaana la timid labo gool waxana u dhaliyay Alvaro Negred Daqiiqadii 35-aad halka goolka labaad uu dhaliyay Alvaro Negredo daqiiqadii 78-aad, guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-4,

Guusha ayaa ka dhigan in Kooxda Atletico Madrid ay 10 dhibcood ay ku qabato hogaanka Horyaalka iyagoo ku jira waqtigooda ugu feecnaa.

Maxaa Xiga

Atletico Madrid ayaa la ciyaaridoonta kooxda Celtic Vigo kulankeeda xiga ee LaLiga kaasi oo dhacaya isniinta soo socta.

Barcelona 2-1 Athletic Bilbao

Kooxda Barcelona ayaa xalay si dirqi ah kaga badisay kooxda Athletic Madrid ciyaar qeyb ka ah horyaaalka Spain.

Barcelona ayaana ku badisay 2-1 kulan lagu ciyaaray garoonkeeda Camp Nuo.

Goolashada Barcelona waxaa u dhaliyay Lional Messi Daqiiqadii 20-aad iyo Antoine Griezmann Daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta Goolka Athletic Bilbao la timid waxaa iska dhaliyay Jordi Alba guud ahaan ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay labo iyo hal.

Natiijada kulanka ayaa ka dhigan in Barcelona ay wali ku jirto booska labaad ee horyaalka iyagoo leh 40 dhibcood.

Maxaa Xiga

Kulankeeda Xiga kooxda Barca ayaa la ciyaaridoonta Granada kulankaasi oo qeyb ka ah Copre del rey Arbaca 3 Bisha.

Kadib Kulamada la ciyaaray kala Sareynta Horyaalka ayaa ah Sidan

# Team Name P W D L F A GD PTS
1 Atletico Madrid 19 16 2 1 40 10 30 50
2 Barcelona 20 12 4 4 41 18 23 40
3 Real Madrid 20 12 4 4 35 18 17 40
4 Sevilla 20 12 3 5 28 16 12 39
5 Villarreal 21 8 11 2 29 20 9 35
6 Real Sociedad 21 8 8 5 32 19 13 32
7 Granada 21 8 5 8 24 34 -10 29
8 Real Betis 20 8 3 9 26 34 -8 27
9 Levante 20 6 8 6 29 29 0 26
10 Celta Vigo 21 6 7 8 24 31 -7 25
11 Athletic Bilbao 20 7 3 10 27 25 2 24
12 Getafe 20 6 6 8 17 23 -6 24
13 Cadiz 21 6 6 9 19 31 -12 24
14 Valencia 21 5 8 8 27 29 -2 23
15 Eibar 21 4 8 9 17 23 -6 20
16 Real Valladolid 21 4 8 9 21 32 -11 20
17 Osasuna 20 4 7 9 19 29 -10 19
18 Deportivo Alaves 21 4 7 10 18 29 -11 19
19 Elche 19 3 8 8 16 26 -10 17
20 SD Huesca 21 2 10 9 17 30 -13 16

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here