Home Wararka Ciyaaraha Kooxaha Barcelona,Chelsea iyo Juventus ayaa ku dagaalamaya saxiixa Koulibaly

Kooxaha Barcelona,Chelsea iyo Juventus ayaa ku dagaalamaya saxiixa Koulibaly

0
Ad

Kooxo dhowr ah oo ka dhisan Yurub ayaa qarka u saaran inay dagaal u galaan saxiixa Kalidou Koulibaly xagaagan.

Khadka dhexe ee Napoli ayaa u muuqda mid la raadinayo, iyadoo kooxaha sida Chelsea , Barcelona iyo Juventus ay doonayaan inay xoojiyaan difaacooda ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Ad

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Gianluca Di Marzio ayaa ku waramaya in dhamaan saddexda kooxood ay qiimaynayaan helitaanka Koulibaly.

Chelsea ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa daafaca Juventus Mathjis de Ligt, Koulibaly ayaa xitaa laga yaabaa inuu bedelkiisa u noqdo Juve.

Labada kooxood ee Chelsea iyo Barcelona ayaa sidoo kale ugaarsi ugu jira daafaca kooxda Sevilla Jules Kounde .

Dhankiisa, Koulibaly wuxuu doonayaa inuu ka tago Talyaaniga haddii uu ka tagayo Napoli .

Previous articleArsenal oo iska lumisay fursadii ay kula soo wareegi lahayd weeraryahanka Bayer Leverkusen ee Adam Hlozek
Next articleBarcelona oo si rasmi ah u xaqiijisay inay Dalab ka Gudbisay weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here