Kooxaha chelsea iyo manchester city oo caawa ciyaari doonaan Semi Finalka FA CUP.

Waxaa caawa kulan xiiso badan dhexmari doonaa kooxaha man city iyo chelsea kulan katirsan Same finalka koobka FA Cup kooxda manchester city ayaa ku xisaab tameysa koobabka maxaliga ah ee laga dhigo gudaha ingiriiska iyada oo ku xisaab tameysa koob walba oo laga dhigo ingiriiska dhanka kale chelsea ayaa dooneysa in ay gaarto final sanadkii labaad oo isku xigto.

Chelsea vs Man city.

Saacada 7:30.

Tartanka FA CUP.

Garsoore mike Dean.

Garoonka wembley stadium.

Xaqiiqoyinka labada kooxood.

 

Chelsea ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay ee FA Cup ee ay la ciyaareen Manchester City, oo ay ku jirto guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay marxaladan 2013. Si kastaba ha noqotee, waxay ku guuleysteen kulankoodii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah 5-1 bishii Febraayo 2016.

Manchester City ayaa guuleysatay lix ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeysay ee ay la ciyaareen Chelsea tartamada oo dhan hal bareejo iyo labo guul daro ayeey la kulmeen iyagoo ku garaacay Blues 3-1 garoonka Stamford Bridge kulan qeyb ka ahaa Premier League xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ay la ciyaareen Chelsea garoonka Wembley Stadium, iyagoo ku garaacay 2-1 semi-finalka FA Cup ee 2013, 2-0 ee 2018 Community Shield, iyo rigoorooyinka finalka League cup 2019.

Chelsea ayaa raadineysa inay gaaraan finalka FA Cup markii 15aad, iyadoo kaliya Arsenal (21) iyo Manchester United (20) ay gaareen inta badan Blues. Chelsea ayaa guuleysatay 7 ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay semi-finalka, waxaana laga badiyay kaliya kulankii Man City ee 2013.

Manchester City ayaa guuleysatay sagaal ka mid ah 11kii kulan ee ugu dambeysay ee semi-finalka FA Cup, in kasta oo laga ciribtiray marxaladan labo ka mid ah afartii olole ee hore ee uu ka hoos ciyaarayay Pep Guardiola (vs Arsenal labada xilli ciyaareed ee 2017 iyo 2020)

Chelsea ayaa raadineysa inay gaaraan finalka FA Cup markii afaraad shantii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay, iyagoo ku guuldareystay kaliya 2018-19 tartankan. Thomas Tuchel wuxuu noqon lahaa tababarihii ugu horreeyay ee Jarmal ah ee gaadha finalka FA Cup ee Ingiriiska.

Tababaraha Man City Pep Guardiola ayaan laga badinin dhamaan shantii kulan ee uu macalin u ahaa kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel 3 guul labona barbaro iyadoo dhamaan arrimahan ay soo socdaan intii u dhaxeysay 2013 iyo 2016 markii tababaraha reer Spain uu macalin u ahaa kooxda Bayern Munich.

Sergio Agüero ayaa dhaliyay lix gool 10kii kulan ee uu ku ciyaaray Wembley Stadium ee kooxda Manchester City Lixda gool ee uu dhaliyay ayaa ka badan ciyaaryahan kale oo Man City ah oo shabaqa soo taabtay.

Ma jiro ciyaaryahan dhaliyay goolal badan koobkii FA Cup ee 2020-21 ka baxsan. isreebreebka marka loo fiiriyo xidiga kooxda Chelsea Tammy Abraham oo dhaliyay 4 gool.

Xiddiga Man City Kevin De Bruyne ayaa ku lug lahaa sagaal gool sideedii kulan ee ugu dambeysay FA Cup, isagoo dhaliyay afar isla markaana caawiyay shan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*