Home Wararka Ciyaaraha Maanta Kooxaha Chelsea iyo PSG oo guulo gaaray Lugta hore ee Wareega 8aad...

Kooxaha Chelsea iyo PSG oo guulo gaaray Lugta hore ee Wareega 8aad Champions league

0

Kooxda Chelsea ayaa guul ka gaartay lugta hore ee warega 8aad ee Champions league oo la ciyaareen kooxda FC Porto.

Chelsea waxaa hogaanka u dhiibay Daqiiqadii 32aad Mason Mount oo isku qoray taariikhda Champions League madaama uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay abid ee tartanka Champions League, iyadoo guusha uu dhameystiray Ben Chilwell oo goolka labaad saxiixay dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta

Natiijadaan ayaa faa’ido weyn u ah Blues oo  hal lug la sii gashay semi-finalka Champions League ka hor kulanka lugta labaad ee ay sibuuca danbe martigelin doonaan FC Porto.

Labad kooxood ayaana mar kale ciyaaraya 13 bishan April.

Bayern Munich 2 – 3 Paris Saint-Germain

dhanka kale Paris Saint-Germain oo booqasho ugu tagtay kooxda Reer Germany ee Bayern Munich ayaa ugu soo badisay 2-3 lugta hore ee wareega 8-aad ee champions league.

PSG ayaa labo gool ku hormartay oo ay u kala saxiixeen Kylain Mbappe daqiiqadii 3aad iyo Marquinhos daqiiqadii 28aad iyadoo labadaba uu caawiye ka ahaa Neymar laakiin Bayern ayaa ku barbareysay goolal ay u dhaliyeen Choupo-Mating 32 daqiiqo iyo Mueller 60 daqiiqo ka hor inta uusan Mbappe goolka guusha dhalinin qeybtii labaad ciyaarta oo mareysa 68 daqiiqo.

Bayern Munich ayaa laga jabiyay rikoodhkoodii guuldarro la’aanta ee aan 32 kulan looga badinin gurigooda tartanka oo dhan, markii ugu danbeysay ee gurigooda lagu garaaco waxaa ku garaacday Bayer Leverkusen bishii Novemver 2019.

PSG ayaa guul weyn soo gaartay ka hor kulanka lugta labaad ee ka dhacaya Parc des Princes todobaadka danbe 13 bisha.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here