Kooxaha Chelsea iyo PSG oo ku dagaalamayaan daafaca inter milan Achraf Hakimi

Kooxaha kala ah Chelsea iyo PSG ayaa labaduba doonayaan inay heshiis is-weydaarsi la galaan kooxda reer talyaani ee Inter si ay ula soo wareegaan Achraf Hakimi kaas oo PSG ku dhow in uu ku biiro dhawaan sida laga soo xigtay Tuttomercatoweb.

Daafaca garabka midig ayaa si aad ah isha loogu haayaa xagaagan ka dib markii uu bandhig wanaagsan uu sameeyay xagaagii dhawaan soo gebageboobay waxaana uu kooxdiisa uu kula guuleystay horyaalka Seria A dhowr sano kadib si kastaba ha noqotee labada Naadi ee Blues iyo kooxda Paris waxay raadinayaan inay heshiis la gaaraan.

Dhanka kale Inter ayaa kaliya doonaysa 80 milyan oo euro oo lacag caddaan ah ah si ay kooxda uga baxaan xaalada dhaqaale xumo ee aduunka ka jirto taas oo ku qasabtay macalinka talyaaniga inuu kooxda isaga tago waxaana durbadiiba inter milan ay sii calaamadeysatay xidigii u bedeli lahaa booska Hakimi iyagoo u arkaan xidiga barcelona dhawaan lasoo wareegtay ee Emerson Royal.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*