Kooxaha Chelsea iyo PSG oo u soo gudbay Semi-finalka Koobka Champions League

labada koox ee PSG iyo Chelsea ayaa iska xaadiriyay Semi-finalka Koobka Champions league iyadoo kulankan ay la kulmeen guuldaro.

Chelsea ayaa guul-darro 1-0 ah kala kulantay kooxda reer Portugal ee FC Porto, laakiin kulankii hore oo ay Blues ku badisay 2-0 ayaa ka caawisay in ay iska xaadiriyaan semi-finalka.

Xidiga Mehdi Taremi ayaa dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 90+4aad ee ciyaarta u dhaliya goolka kaliya ee kulankan.

Paris Saint-Germain 0 – 1 Bayern Munich

PSG ayaa iyaduna kusoo baxday celceliska goolashii ay ku dhalisay ciyaartii lugtii hore, waxaanay usoo gudubtay semi-finalka sannadkii labaad oo xidhiidh ah, iyadoo reebtay kooxdii koobka ka qaadday sannadkii hore.

Kooxda reer France ayaa lagaga badiyey 1-0 kulan uu fursado badan khasaariyey Neymar, sidoo kalena ay Bayern iska lumisay fursado badan dhamaadkii ciyaarta, goolka kaliya ee Bayern Munich waxaa u dhaliyay Eric Maxim Choupo-Moting qeybta hore daqiiqadii 40aad

waxaana natiijada labada kooxood ee cel-celiska labada kulan ay ku dhamaadeen 3-3, hase yeeshee PSG oo garoonka martida kusoo dhalisay saddex gool ayaa u gudubtay wareegga xiga.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*