Kooxaha Chelsea iyo Tottenham oo ku hungoobay Doonistoodii difaaca Inter Milan ee Milan Skriniar

Kooxaha isku magaalada ah ee Chelsea iyo Tottenham ayaa ku hungoobay doonistoodii difaaca Inter Milan ee Milan Skriniar oo ay si weyn u doonayeen Thomas Tuchel iyo Antonio Conte, waxaana ka hor qaadday Paris Saint-Germain oo lagu soo warramayo inay heshiis la gaadhay Inter Milan.

Difaaca reer Slovakia ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda loogu doonista badan yahay tan iyo sannadkii 2017 oo ay Inter Milan kasoo iibsatay Sampdoria, waxaana uu qiimayntan ku mutaystay bandhiggiisa heerka sare ah.

Tababaraha Tottenham ee Antonio Conte oo hore laacibkan ugu soo layliyey Inter Milan ayaa doonayay in uu safkiisa kusoo kordhiyo, si ay ugu tartami karaan koobabka xilli ciyaareedkan, hase yeeshee damacaasi uma hirgelin. Sidoo kale, Chelsea oo ay ka tageen labada difaac dhexe ee Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen ayaa iyaduna si weyn u doonaysay laacibkan.

Sida uu xaqiijiyey wariyaha Talyaaniga ah ee Nicolo Schira, Skriniar ayaa waxa uu qarka u saaran yahay kooxda reer France ee Paris Saint-Germain oo uu ku biirayo.

Laacibkan ayaa u saxeexi doona PSG heshiis shan sannadood ah oo uu toddobaadkii ku qaadan doono lacag gaadhaysa £125,000 Gini, iyadoo PSG bixin doonta £52 milyan oo Gini oo ay Inter Milan ku xidhay heshiiska laacibkan.

Inter ayaa la sheegay inay hoos u dhigtay qiimaha laacibkan oo ay hore ugu sheegtay £60 milyan oo Gini.

Milan Skriniar ayaa Inter Milan u saftay 215 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah tan iyo markii uu kaga soo biiray Sampdoria sannadkii 2017.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*