Kooxaha Liverpool vs Brighton oo ciyaaraya kulan ka tirsan horyaalka Premier League

Leandro Trossard ayaa tababar qaatay todobaadkan wuxuuna tartan ugu jiraa Brighton & Hove Albion. Adam Lallana dhaawac ayaa kasoo gaaray (gumaarka) laakiin waa la qiimeyn doonaa, sidooakale Solly March ayaa ka dhaawacan (canqowga) waxaana la filayaa inuu diyaar noqdo.

Liverpool oo qiimeyn ku sameeysay Jimcihii Jordan Henderson (muruqa) ka dib markii uu ku soo laabtay tababarka Khamiista.

Ma ogeyd?

Kadib guushii 2-1 ee ay ka gaareen Aston Villa kulankii ugu dambeeyay, Brighton & Hove Albion waxay xaqiijin karaan guulo xiriir ah oo isku xigta markii ugu horeysay tan iyo bishii Nofeembar 2019. Sikastaba, afartii guul ee ugu dambeysay Premier League ayaa ka yimid gurigooda. Sideed guul kuma aysan gaarin Amex Stadium.

Danny Welbeck ayaa hiigsanaya inuu shabaqa soo taabto kulamada isku xiga ee horyaalka markii ugu horeysay tan iyo bishii Janaayo 2016, markaasoo uu u ciyaarayay Arsenal.

Liverpool ayaan wax guul ah gaarin seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay marti ahaayeen (D2 L1). Markii ugu dambeysay waxay afar guul la’aan ka gaareen intii u dhaxeysay Janaayo iyo Maarso 2017.

Diogo Jota, oo dhaliyay labo gool safarkiisii ​​ugu dambeeyay ee Brighton, ayaa raadinaya goolkiisii ​​ugu horeeyay Premier League ee banaanka Liverpool.

Saraakiisha ciyaarta

Garsoore:  Stuart Attwell. Caawiyeyaasha  Gary Beswick, Adam Nunn. Sarkaalka afaraad:  Simon Hooper. VAR : Kevin Friend. Caawiye VAR:  Simon Beck.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*