Kooxaha Man City iyo Arsenal ayaa guulo ka kala gaadhay kooxaha Southampton iyo Fulham kulamo ka tirsanaa premier League.
Kooxda Fulham ayaa man City kaga naxsatay gool Daqiiqadii 26-aad waxana u dhaliyay xiddiga Andreas Pereira kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Laakiin xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay isaga oo daqiiqadii 32-aad u dhaliyay kooxdiisa goolka bar-baraha isgaa oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Qaybtii dambe ayay Man City si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana hogaanka u dheereeyay xiddiga Mateo Kovacic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Xiddiga Jeremy Doku ayaa daqiiqadii 82-aad dhaliyay goolka uu ciyaarta ku dilay isaga oo kooxdiisa u hibeeyay 3-da dhibcood ee ciyaarta.
Daqiiqadii 88-aad ayay Fulham dhalisay gool waxana u dhaliyay Rodrigo Muniz kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka dhacay Emirates.
Southampton ayaa daqiiqadii 55-aad ee qaybta dambe gool dhalisay waxana u dhaliyay xiddiga Cameron Archer kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Laakiin Arsenal ayaa daqiiqadii 58-aadba dhalisay goolka waxana u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa daqiiqadii 68-aad dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1.
Xiddiga Bukayo Saka ayaa soo afjaray goolasha kooxdiisa isaga oo gool u dhaliyay daqiiqadii 88-aad ee ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guul ka gaadhay kooxda Southampton.