
Daafaca AS Monaco Beniot Badiashile ayaa xiiso ka helaya kooxaha Premier League .
Badiashile ayaa xiiso ka helaya gaar ahaan kooxaha Manchester United , Chelsea iyo Newcastle, sida ay warinayso Le 10 Sport .
Daafaca dhexe ayaa ah kabtanka xulka France ee 21 jirada waxana uu 34 jeer u saftay kooxda Monaco xilli ciyaareedkii hore.
Badiishile ayaa muddo dheer qirtay hami uu u qabay inuu u soo guuro Ingiriiska.
Waxa uu yiri xilli ciyaareedkii hore: “Dhamaanteen waan ognahay tartanka Premier League , waa horyaal cajiib ah oo dabcan, aad u xiiso badan, dhamaanteenna waan jecelnahay ciyaaraha.”
Be the first to comment