Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa si fool ka fool ah ugu dhaqaaqi doona saxiixa Dayot Upamecano

Manchester United ayaa waji ka waji u wajihi doonta Liverpool saxiixa daafaca da’da yar ee RB Leipzig Dayot Upamecano.

Kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa xitaa laga yaabaa inay isku daydo la wareegida xidigan 23 jirka reer France bishaan March ka dib markii madaxda Liverpool ay u sheegeen Jurgen Klopp inaysan jirin lacag lagu xoojiyo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee haatan.

Klopp wuxuu u arkaa Upamecano muhiim u yahay Virgil van Dijk markii uu ninka reer Holland ka soo laabto dhaawicii jilibka ka soo gaaray.

Laakiin rajadiisii ​​aheyd in milkiilayaasha Liverpool ee reer Mareykan ay ku taageeri doonaan iyagoo bixindoona 38 milyan oo ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa ka hor dhamaadka bisha ayaana meesha oolin.

Chelsea ayaa sidoo kale raadineysa Upamecano, halka kooxda Jarmalka ee Bayern Munich ay sheegtay inay dooneyso inay ku sii heyso Bundesliga.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*