Home Horyaalka Ingiriiska Kooxaha Real iyo Barcelona oo ku dagaalama saxiixa xidiga khadka dhexe ee...

Kooxaha Real iyo Barcelona oo ku dagaalama saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool Wijnaldum

0

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona tartanka loogu jiro saxiixa kubadsameeyaha Liverpool Georginio Wijnaldum.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa ku jira toddobadii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa haatan, waxaana uu tilmaamay in wadahadalo ku saabsan shuruudaha cusub ay gaareen is afgaran waa kusoo dhamaadeen.

Tababaraha kooxda Barcelona Ronald Koeman, oo Wijnaldum u soo noqday macalin xulka qaranka Netherlands ayaa xaqiijiyay dhowr jeer la sameeyey xariir si oo u yimaado garoonka Nou Camp.

Si kastaba ha ahaatee, wargayska ka soo baxa Talyaaniga ee Corriere dello Sport ayaa sheegaya in kooxda reer Spain ay tartan adag kala kulmi karto kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid.

Zinedine Zidane ayaa la rumeysan yahay inuu yahay dooqiisa koowaad ka dib xoojinta qadka dhexe wuxuuna aad u xiiseynayaa khadka dhexe ee reer Holland, kaasoo la rumeysan yahay inuu raadinayo kooxda adag xili ciyaareedka cusub sanadka 2021.

Previous articleAfarta Kooxood ee Qaadi kara Horyaalka Premier League oo lasoo bandhigay
Next articleMaxaa ka jira wararka sheegaya in Mascherano dib ugu soo noqon doono kooxda Barcelona?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here