Home Falanqeynta Kulamada Kooxaha Waaweyn ee Juventus iyo Ac Milan oo guul daro dhabarka loo...

Kooxaha Waaweyn ee Juventus iyo Ac Milan oo guul daro dhabarka loo saariyay Horyaalka Italy

0

Kooxaha Waaweyn ee Hoyraalka Serie A Dalka Taliyaaniga ee Juventus iyo Ac Milan ayaa dhamaantood laga badiyay iyadoo Macalinka Napoli Gatusa uu ka badbaadiay ceyrinta kooxda.

Kooxda SSC Napoli ayaana guusha kulankan uga filnaa gool Rigoore ah uu u dhaliyay Lorenzo Insigne Daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta iyadoo qeybta danbe aanan waxba leeska dhalin.

Guul darada soo gaartay Juventus ayaa wali ka dhigan in ay fadhiso booska 3-aad ee Horyaalka iyagoo leh 42 dhibcood waxana ay u sii dhici karaan booska afaraad hadii Roma ay gaarto guul kulankeeda soo socda.

Maxaa Xiga

Juventus ayaa kulankeeda Xiga la ciyaaridoonta kooxda Port Kulankaasi oo ka tirsan Champions league.

Spezia 2-0 AC Milan

Kooxda Ac Milan ayaa guu daro lala filaan ah waxay kala kulantay kooxda Spezia kulan ka tirsan Horyaalka Serie A oo lagu ciyaartay Garoonka Stadio Alberto Picco.

Spezia ayaana Xidigaha Ac Milan kala daray qeybta danbe ee ciyaarta Giulio Maggiore iyo Simone Baston ayaana kooxdooda ka caawiyay labada gool oo yimid daqiiqadihii 56-aad iyo 67-aad ee ciyaarta.

guul darada soo gaaray Ac Milan ayaa fursad siin karta Inter Milan kuwaasi oo guul ay gaaraan kulankooda Horyaalka qaban kara hogaanka horyaalka madama 3 dhibic ka danbeeyaan Ac Milan.

Maxaa Xiga

Ac Milan ayaa la ciyaaridoonta kooxda Crvena kulan ka tirsan Europe League.

Kulamada kale ee la ciyaaray

ITALY – SERIE A FEBRUARY 13
FTTorino 00Genoa
FTSSC Napoli 10 Juventus
FTSpezia 20 AC Milan

 

 

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here