Kooxda Ac Milan oo si toos ah ula wareegeysa Xidiga amaahda ku joogo ee Fikayo Tomori.

Ac milan waxay dooneysaa inay dhameystirto heshiiska amaahda ah uu kula joogo Fikayo Tomori kooxda reer talyaani waxa ay aad ula dhacday qaab ciyaareedka daafaca reer england ee 23 sano jirka ah kaas oo lagu qiimeyo 25 milyan oo ginni chelsea ayaana iska fasixi doonto hadii milan lacagtaas miiska soo saarto suuqa xagaagan.

Qeyb ka mid ah qandaraaskii la saxiixay bishii Janaayo ayaa waxaa ka mid ahaa in Milan ikhtiyaar u leedahay inay iibsato dhamaadka heshiiska lixda bilood ah Tababaraha Stefano Piolo ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay damacsan tahay inay ku dhaqaaqdo qodobkaas si ay u sii haysato Tomori.

Madaxweyne ku xigeenka Milan Franco Baressi ayaa u sheegay Gazzetta dello Sport: “Waxaan sameyn doonaa wax walba oo macquul ah si aan ugu saxiixano Fikayo Tomori heshiis joogto ah.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*