Home Warar Ciyaaraha Maanta Kooxda AEK Athens oo la soo wareegtay weeraryahankii hore ee Manchester United...

Kooxda AEK Athens oo la soo wareegtay weeraryahankii hore ee Manchester United Anthony Martial.

0

Kooxda AEK Athens ayaa la soo wareegtay weeraryahankii hore ee Manchester United Anthony Martial.

Laacibka reer France ayaa ka tagay Old Trafford dhamaadkii bishii June, iyadoo aan loo soo bandhigin heshiis cusub, taasoo la micno ah inuu qaab xor ah kaga tagay.

Kooxo dhowr ah ayaa xiiso u muujiyay saxiixa weeraryayhanka khabiirka ah laakiin hadda waxaa la xaqiijiyay in kooxda ka dhisan dalka Greece ee AEK Athens ay la wareegtay.

“Anthony Martial waxa uu u saxiixay kooxda ka dhisan Greece ee AEK Athens, kadib markii uu ka tagay Manchester United horaantii sanadkan” ayaa lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here