Kooxda Arsenal Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Mikel Arteta Kadib Guuldaradii Man City

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wali garab taagantahay waliba ku kalsoontahay Tababare Mikel Arteta inkasta oo ay kooxdu qaab ciyaareed xun ku jirto.

Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay Man City kulan ka tirsanaa Carabao Cup-ka taas oo xaalka ku sii xumaysay kooxda Arsenal iyo Mikel Arteta.

Gunners ayaa wali ku kalsoon tababaraha iyaga oo go’aansaday in ay wakhti siiyaan waliba taageero dhanka suuqa ah la garab Istaagaan suuqa January.

Kooxda Arsenal ayaan ayaan wax guul ah gaadhin tan ilaa 1 bishii November tartamada maxaliga ah taas oo shaki weyn ku tuurtay mustaqbalka Mikel Arteta.

Laakiin Arsenal ayaa garab istaagtay tababaraha reer Spain iyaga oo aaminsan in uu dhanka kale u rogi doono xaalka kooxda marka ay suuqa January u keenaan xiddigaha uu doonayo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*