Kooxda Arsenal oo guul 2-1 ah ka gaadhay kooxda Aston Villa, Si dirqi ah hogaanka ugu soo laabatay

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xajisatay hoggaanka  horyaalka Premier League kaddib markii ay guul cidhiidh ah ka gaadhay Aston Villa oo kusoo booqatay Emirates Stadium, kulan uu aftaxiisii wanaagsanaa sameeyey Gabriel Jesus oo shabaqa soo taabtay qaybtii hore.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen xiddigaha reer Brazil ee Gabriel Jesus Daqiiqadii 30aad iyo Gabriel Martinelli Daqiiqadii 77aad ayaa Arsenal ku hoggaamiyey guul ay ku rafaadeen, halka Aston Villa ay la timid hal gool, kulan kusoo dhamaaday 2-1 oo ka dhacay Emirates Stadium oo waqti dambe la go’aamiyey guusha Gunners.

Mikel Arteta ayaa beddel ku keenay Emile Smith-Rowe oo tamar cusub kusoo kordhiyey kooxda daqiiqadihii ugu dambeeyey oo uu ka furtay culays badan oo haystay.

Arsenal ayay guushu ku raacday 2-1, waxaanay haysaa hoggaanka horyaalka Premier League usbuucii saddexaad oo xidhiidh ah, iyaga oo haysta 15 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka sarreeyaan Manchester City oo 13 dhibcood haysata.

Shaxda Rasmiga ee labada koox

Arsenal XI: Xhaka, Tierney, Martin Ødegaard, Jesus, Gabriel, Ramsdale, B. White, A. Lokonga, Martinelli, W. Saliba, Saka

Subs: Cedric, Holding, Matt Turner, Tomiyasu, Smith Rowe, Nketiah, M. Smith, Fábio Vieira, Marquinhos

Aston Villa XI: E. Martinez, Digne, McGinn, Mings, O. Watkins, Buendia, Bailey, Kamara, Ngoyo, Matty Cash, J. Ramsey

Subs: Young, Coutinho, R. Olsen, Ings, Augustinsson, Chambers, Douglas Luiz, C. Archer, Tim Iroegbunam

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*