Home Suuqa Kala iibsiga Kooxda Arsenal oo xasuuqday kooxda Leverkuse kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli...

Kooxda Arsenal oo xasuuqday kooxda Leverkuse kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

0

Kooxda Arsenal ayaa xasuuqday kooxda Leverkusen kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka oo ka dhacay Emirates ayaa ahaa mid ay Arsenal ku soo gashay inta badan xiddigaha kooxda 1-aad.

Xiddiga Oleksandr Zinchenko ayaa hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 8-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 1/0.

Leandro Trossard ayaa daqiiqadii 9-aad dhaliyay goolka 2-aad ee Arsenal waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Gabriel Jesus ayaa daqiiqadii 38-aad dhaliyay goolka 3-aad ee Arsenal isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Qaybtii dambe ayuu xiddiga Kai Havertz dhaliyay goolka 4-aad ee ciyaarta waxana uu ka dhigay 4/0.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa daqiiqadii 76-aad dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Hlozek kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here