Sao Paulo ayaa lagu soo waramaa in aysan ka baqeynin inay lumiyaan Brenner inkastoo xiisaha baahsan u qabaan kooxo badan ay hogaaminee Arsenal.
20 jirkaan ayaa dhaliyay 19 gool 39 kulan oo u saftay xulkiisa Brazil, kooxo dhowr ah ayaa la rumeysan yahay inay si dhow ula socdaan qaab ciyaareedkiisa.
Arsenal ayaa si xoogan loola xiriirinayay weeraryahanka, halka Juventus, Real Madrid, AC Milan iyo Ajax sidoo kale lala xiriiriyay inay xiiseynayeen isbuucyadii u danbeysay.
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Globo Esporte , Sao Paulo ayaan diyaar u ahayn inay iibiso ciyaaryahanka reer Brazil wax kasta oo ka yar qandaraaskiisa lagu burburin karo 50 milyan oo ginni.
Natiijo ahaan, warbixinta ayaa sheeganeysa in Gunners la rajeynaa in ay u dhaqaaqo laacibka madaama aysan diyaar u aheyn in ay bixiyaan lacagtaas tirada badan.
Brenner ayaa dhaliyey 17 gool 27 kulan oo u saftay heerka naadiga koowaad inta lagu jiray xilli ciyaareedkaan haatan socda.