Home Suuqa kala iibsiga Kooxda Barcelona oo laba difaaca ka dooneysa kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier...

Kooxda Barcelona oo laba difaaca ka dooneysa kooxaha ka ciyaara horyaalka Premier League qaar kamid ah

0

Kooxda La Liga ka dhisan ee Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dalab ka gudbineyso labada ciyaaryahan ee Premier League Antonio Rudiger iyo Shkodran Mustafi u kala ciyaara kooxaha Chelsea iyo Arsenal hadii ay ku guuldareystaan ​​isku daygooda ay ku doonayaan inay ku helaan daafaca dhexe ee Manchester City Eric Garcia bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Ronald Koeman ayaa waxaa ka maqan labo difaaca dambe oo kamid yahay Gerard Pique ay u badan tahay inuu garoomada ka maqnaan doono dhowr bilood kadib markii dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii Atletico Madrid horaantii bishii November.

Mundo Deportivo ayaa sheeganeysa in Garcia, oo 19 jir ah, uu sii joogayo kooxda ugu weyn Catalan ee suuqa kala iibsiga, si kastaba ha noqotee, culeysyo badan oo La Liga ah ayaa soo xerogeliyay Rudiger iyo Mustafi oo ah bedelka ugu macquulsan marka la gaaro kala suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Kooxda reer Spain ayaa ku guuldareysatay inay heshiis la gaarto Citizens xagaaygii hore iyagoo awoodi waayey inay sare u qaadaan 9 milyan oo ginni oo kooxda Pep Guardiola ay dalbaneysay.

Garcia oo shan kulan u saftay Citizens xilli ciyaareedkan ayaa qandaraaskiisa Etihad uu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21, taasoo la micno ah inuu diyaar u yahay inuu kaga tago kooxda si xor ah.

Rudiger ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo Stamford Bridge tan iyo xagaaygii la soo dhaafay, halka Mustafi uu sidoo kale boos joogto ah ka haysan Emirates Stadium isla markaana wuxuu doonayaa inuu ka tago kooxda.

Previous articleLiverpool oo halis ugu jirta inay seegto saxiixa daafaca reer England ay aadka u dooneysay
Next articleArsenal oo dooneysa in ay lasoo saxiixato daafaca reer Spain ikastoo dhowr koox ay xiiso weyn u qabaan laacibka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here