Home Horyaalka Germalka Kooxda Bayern Munich oo ku guuleysatay Koobka FIFA Club World Cup Dunidana...

Kooxda Bayern Munich oo ku guuleysatay Koobka FIFA Club World Cup Dunidana Taariikh ka dhigtay

0

Bayern Munich ayaa ku guuleysatay koobkii lixaad ee xili ciyaareedkan, iyadoo soo afjartay sannad guulo ah oo ay wacdaro ka dhigtay garoomada.

Kooxda ayaana ku dubatay Hal gool dhigeeda kooxda Tigres waxana goolkaasi u dhaliyay Benjamin Pavard qeybta danbe daqiiqadii 59 aad ee ciyaarta.

Kooxda reer Germany ayaa soo afjartay sannad taariikhi ah oo ay ku wada guuleysatay dhamaan koobabkii ay u tartantay, iyadoo ugu dambayntiina kusoo xidhatay tartanka naadiyada Yurub oo ay ka qaadday kooxda Tigres oo ay iskugu soo baxeen finalka.

Bayern Munich oo hore ugu soo guuleysatay koobabka Champions League, Bundesliga, DFB Pokal, German Super Cup, UEFA Super Cup ayaa waxay guulaheeda kusoo xidhatay koobkii lixaad oo ah FIFA Club World Cup.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here