Kooxda Bournemouth ayaa xaalka ku xumaysay kooxda Man United iyada oo garaacday kulan ka dhacay Old Trafford.
Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United ku bilaabatay si difaac ah iyada oo Bournemouth maamulaysay ciyaarta.
Daqiiqadii 29-aad ayay Bournemouth dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dean Huijsen kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda Bournemouth ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolal ay ku disho ciyaarta.
Qaybtii hore ayaa ku dhamaatay sidaas waxana ay Man United wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal laakiin uma suurtagalin.
Daqiiqadii 61-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta ayay Bournemouth dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Justin Kluvert kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Bournemouth ayaa dhalisay gool 3-aad oo deg-deg ah waxana u dhaliyay xiddiga Antoine Semenyo kaas oo dhaliyay goolka daqiiqadii 63-aad.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bournemouth dhulka ku jiiday kooxda Man United oo joogta garoonkeeda.
Dhinaca kale kooxda chelsea ayaa la joojiyay guulihii ay gaadhaysay iyaga oo bar-baro la galay kooxda Everton kulan ka dhacay Goodison Park.