Kooxda Chelsea oo laga soo diiday Dalab ay ka gudbisay Xidig ka tirsan PSV

PSV ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalabkii furitaanka ahaa ee ay Chelsea ka gudbisay xiddiga da’yarka ah ee Noni Madueke, maalmo uun ka dib markii Blues ay la soo wareegtay Mykhailo Mudryk.

Wararka ka imanaya Netherlands ayaa sheegaya in kooxda Graham Potter ay dalab 30 milyan ah ka gudbisay xiddiga Madueke  laakiin PSV ayaa aaminsan in dalabku aad u hooseeyo.

Kooxda PSV ayaa Liverpool ka iibisay xiddiga Cody Gakpo sidaas darteed ma doonayso in ay iibiso mid kale oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda hadii ayna helin dalab waali ah.

20-sano jir Madueke ayaa soo maray akadeemiyada Crystal Palace iyo Tottenham ka hor inta uusan u dhaqaaqin PSV 2019, halkaasoo uu dhaliyay 20 gool sidoo kale sameeyay 14 caawin 80 kulan oo uu saftay.

Xiddiga reer England ayaan kulamo badan ciyaarin xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay.

Potter ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa gaar ahaan dhinaca weerarka iyada oo Blues ku jirto kaalinta 10-aad ee kala saraynta premier League.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*