Kooxda Chelsea oo Qorsheeneysa in ay iibiso 7 Xidig si ay u helaan Labo xidig

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay iska iibiso xiddigo badan si ay ula soo saaxiixdaan laba xiddig oo waaweyn.

Blues ayaa xagaagii si xoogan suuqa u gashay iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha ay ka midka yihiin Kai Havertz, Timo Werner & Hakim Ziyech.

Laakiin Sky Sport ayaa sheegaysa in ay chelsea doonayso in ay xagaaga la soo saxiixato xiddigaha Erling Haaland & Declan Rice.

Weeraryahan iyo waliba xiddig khadka dhexe ah ayaa ah bartilmaameedka Frank Lampard ee suuqa xagaaga soo socda.

Sidaas darteed Chelsea ayaa iska iibin doonta ugu yaraan 7 xiddig kuwaas oo ay lacagtooda ku xoojin doonto kooxda xagaaga.

Xiddigaha Antonio Rudiger, Ross Barkley, Jorginho, Danny Drinkwater, Victor Moses, Marcos Alonso & Andreas Christensen ayaa ah xiddigaha ay kooxdu iska iibinaysa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*