Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhamaystirtay heshiiska weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix oo ay kala soo wareegtay Atletico Madrid, waxaana maanta lagu soo bandhigay xarunta Cobham ee Blues.
Joao Felix ayaa saxeexay heshiis amaah ah oo illaa dhamaadka xilli ciyareedkan uu ugu ciyaari doono Chelsea, iyadoo heshiiskana aanu ku jirin qodob u ogolaanaya kooxda reer London inay si rasmi ah u iibsan karto xiddigan.
Chelsea ayaa ogolaatay inay bixiso £10 milyan oo Gini oo ay u shubayso Atletico Madrid oo ah lacagta amaahda iyo mushaharka Joao Felix oo isagana ay si gaar ah u bixin doonto Blues.
Graham Potter ayaa dalbaday saxeexa Felix markii ay kooxdiisa ka dhaawacmeen Raheem Sterling iyo Christian Pulisic, waxaanay ka hor qaadeen labada kooxood ee Manchester United iyo Arsenal oo kula tartamayay laacibkan.
Joao Felix ayaa markii uu heshiiska saxeexay waxa uu la hadlay warbaahinta Chelsea, waxaanu yidhi: “Chelsea waxay ka mid tahay kooxaha ugu wanaagsan dunida, waxaanan rajaynayaa in aan ka caawin doono inay gaadhaan ujeedooyinkooda, sidaa daraadeed aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka ciyaaro Stamford Bridge.”
23 jirkan ayaa sannadkii 2019 ay Atletico Madrid kasoo iibsatay Benfica iyada oo kasoo bixisay £112 milyan oo Gini, waxaana 131 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 34 gool.
Chelsea ayaa ka sokow lacagta ay Atletico Madrid siinayso, waxay dhabarka u ridanayaa mushaharka laacibkan oo toddobaadkii ah £250,000 Gini, waxaanu noqonayaa ciyaartoyga afraad ee ugu mushaharka badan Blues.