Home Warar Ciyaaraha Maanta Kooxda chelsea oo sii wadata qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa waxana ay ka...

Kooxda chelsea oo sii wadata qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa waxana ay ka badiyeen kooxda West Ham.

0

Kooxda chelsea ayaa sii wadata qaab ciyaareedkeedii cajiibka ahaa waxana ay ka badiyeen kooxda West Ham.

Chelsea ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal wakhti hore ah.

Daqiiqadii 4-aad ayay kooxda chelsea dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xidiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Chelsea ayaa sii waday dadaalka ay doonaysay goolal ay ku dheeraysato hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 18-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ku hogaaminayso ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Chelsea dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Cole Palmer kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea badisay kulan ay waliba u qalantay in ay badiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here