Kooxda Chesea oo u dhaqaaqday badalka xidiga Declan Rice oo ay ku guuldareestay

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqday  khadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund Yuudas Bellingham bartilmaameed madama ay ku guuldareesatay Declan Rice .

Blues ayaa rajeyneysay inay lasoo saxiixato Rice intii lagu jiray qarash gareyntii xagaagan laakiin ma aysan awoodin inay heshiis la gaaraan West Ham United , oo 21 jirkaan ku qiimeysa 70 milyan ginni.

Eurosport ayaa soo jeedineysa in Chelsea aysan weli meesha ka saarin inay keensato Rice sanadka soo socda, laakiin xidigo kale ayaa haatan la soo galay khadka.

Bellingham ayaa la sheegay inuu kamid yahay kuwa uu tixgalinayo Frank Lampard , inkasta oo da, yarku kaliya Dortmund kaga soo biiray Birmingham City bishii July aduun dhan m 25m.

Chelsea ayaa la rumeysan yahay inay diyaar u tahay dagaalka dheer ee loo galayo  Bellingham, kaasoo kooxda ay dareensan tahay inuu ku haboon yahay nidaamkeeda qadka dhexe.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*