Kooxda Fulham oo bar-baro ku qabatay Kooxda Liverpool

Kooxda Fulham ayaa Ba-baro ku qabatay kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Liverpool kulan Reds si weyn ugu dhibaatootay kana dhacay garoonka.

Qaybta Hore:

Liverpool ayaa si niyad jab leh ku bilaabatay ciyaartay xilli ay Fulham ka yaabsatay wiilasha Jurgen Klopp kadib dar-dar ay ku bilowdeen ciyaarta.

Kooxda Fulham ayaa bilowgii ciyaara halis galisay goolka Liverpool marar badan iyaga oo doonayay in ay ka dhaliyaan goolka furitaanka.

Goolhaye Alisson ayaa dhankiisa kooxda Liverpool ciyaarta ku hayay kadib badbaadino cajiib ah oo uu sameeyay intii ay ciyaartu socotay.

Daqiiqadii 25-aad ayay Fulham dhalisay goolka dhalisay kadib markii uu xiddiga Bobby Reid hoganka u dhiibay kooxdiisa.

Fulham ayaa dhalin kartay goolal intaas ka badan marka loo eego fursadihii ay heleen qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo qaybta hore ciyaarta dili karay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Fulham hogaaminayso ciyaarta dhanka qaab ciyaareedka iyo waliba dhanka natiijada.

Qaybta dambe:

Liverpool ayaa hurdada ka kacday qaybtii dambe iyaga oo bilaabay in ay raadiyaan goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Laakiin Liverpool ayaa markan dhaafi wayday Goolhayaha Fulham kaas oo sameeyay badbaadino cajiib ah oo uu Liverpool kaga hor istaagay.

Kadib dadaal waali ah oo ay Liverpool u samaysay raadinta goolka bar-baraha Daqiiqadii 79-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Fulham bar-baro ku qabatay kooxda Liverpool kadib ciyaar ay ka yaabsadeen Reds.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*