Kooxda Juventus oo guul muhiim ah ka gaartay kooxda Sampdoria kulan ku soo dhamaaday 4-1

Kooxda Juventus ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Sampdoria kulan ka dhacay garoonka Allianz Stadium kadib markii ay kaga adkaatay 4-1.

Laad xor ah oo uu dhaliyay Juan Cuadrado ayaa hogaanka u dhiibay kooxda difaacaneysa ciyaarta daqiiqadii 25-aad, halka Daniele Rugani uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Bianconeri ku dhawaad ​​seddex sanno goolkaasi oo ahaa goolka labaad.

Andrea Conti ayaa gool u soo celiyay Sampdoria, oo tabare u ahaa Felice Tufano ka dib markii la ceyriyay tababare Roberto D’Aversa Isniintii.

Paulo Dybala oo bedel ku soo galay ayaa kooxda martida loo ahaa dib ugu soo celiyay ciyaarta, ka hor inta uusan Alvaro Morata rigoore u dhalin taasi oo ka caawisay booskooda wareega 8da.

Juventus ayaa badisay sideed ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee Coppa Italia ay la ciyaartay Sampdoria.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*