Kooxda Juventus oo xiiseyneysa xiddiga Dallas Bryan Reynolds

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay u aqoonsatay daafaca Dallas Bryan Reynolds inuu noqon karo mid looga baahan yahay kooxda 2021.

19 jirkaan ayaa durbadiiba cadeeyay inuu yahay ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Texan, isagoo wadar ahaan u saftay 27 kulan horyaalka MLS.

Si kastaba ha noqotee, horumarka laacibka da’diiisu ka hooseyso 19-ka sano ee Mareykanka ayaan laga dareemin mid ka mid ah kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Sida laga soo xigtay warbaahinta italy , kooxda Juventus ayaa qorshaynaysa in ay ku dalbato lacag dhan 4.5 milyan oo euro si ay u hesho xiddigan ka hor suuqa January.

In kasta oo Reynolds uu weli heysto in ka badan seddex sano iyo bar qandaraaskiisa, Dallas waxaa laga yaabaa inuu qaato fursad uu lacag ugu helo daafaca midig.

Haddii wada xaajoodyadu gaaraan gabagabo wanaagsan, ma cadda in Reynolds uu isla markiiba la xiriiri doono kooxda koowaad ee Juventus.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*