Home Wararka Ciyaaraha Kooxda kubadda cagta Barcelona oo soo saartay liiska ciyaartoydeeda kulanka habeen dambe...

Kooxda kubadda cagta Barcelona oo soo saartay liiska ciyaartoydeeda kulanka habeen dambe ee koobka Gamper

0

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa soo saartay liiska ciyaartoydeeda kulanka habeen dambe ay koobka Gamper la ciyaari doonaan Pumas UNAM oo ah naadigii uu dhowaanta u wareegay Dani Alves kaddib markii uu ka tegay Camp Nou oo uu waliba dhalliilo ugu sii jeediyey maamulka Barca oo uu ku tilmaamay kuwo si aan fiicnayn ula dhaqma ciyaartoyda guulaha ku hoggaamiyey.

Iyadoo bilowga horyaalka Spain ee LaLiga uu toddobaad kali ahi ka hadhsan yahay, isla markaana ay ku furan doonaan Rayo Vallecano, ayay Barcelona ciyaari doontaa Gamper Cup oo ay Axadda  berri ku martigelin doontaa kooxda reer Mexico ee Puma oo dhowaan la saxeexatay Dani Alves.

Xavi Hernandes ayaa soo saaray liiska 31 ciyaartoy oo kulankaas uu u xushay, waxaana ku jira dhamaan lixda saxeex ee cusub ee xagaagan ay sameeyeen ee Robert Lewandowski, Franck Kessie, Jules Kounde, Raphinha, Andreas Christensen iyo Pablo Torre.

Labada ciayartoy ee la filayo inay ka tagaan Barcelona ee Samuel Umtiti iyo Martin Braithwaite ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda Liverpool ee kulankan, hase yeeshee waxa laaga reebay goolhaye Neto oo qarka u saaran in uu u wareego kooxda horyaalka Premier League usoo dallacday ee AFC Bournemouth.

Alex Collado oo isagana la filayo in amaah lagu diro ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Barcelona, waxaanay u badan tahay in uu kusoo bilaaban doono kursiga kaydka, sida ay warbaahinta Spain sheegtay.

Liiska ciyaartoyda Barcelona ee ciyaarta koobka ah ee Puma ee habeen dambe oo Axad ah:

Goolhayeyaal: ter Stegen, Inaki Pena, Tenas

Difaacyahanno: Dest, Roberto, Kounde, Araujo, Christensen, Pique, Garcia, Umtiti, Alba, Balde

Khadka dhexe: Busquets, Pjanic, Pedri, Nico, de Jong, Kessie, Gavi, Collado, Torre

Weerarka: Dembele, Raphinha, Lewandowski, Aubameyang, Memphis, Braithwaite, Torres, Fati, Abde

 

 

Previous articleKulankii Fulham Iyo Liverpool:Saddexdii ciyaartoy ee Liverpool ee ceeboobay
Next articleArsenal oo Tartan adag kala kulmeyso Manchester United ee weeraryahanka PSV Eindhoven Cody Gakpo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here