Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa macasalaamaysay saddexda ciyaartoy ee Divock Origi, Sadio Mane iyo Minamino oo si rasmi ah uga tegay xagaagan, iyadoo midka hore uu qandaraaskiisu dhamaaday, labada kalena la iibiyey oo midkood oo ah Mane uu ka degay Munich, balse Minamino ay dhow yihiin hawlgalka lagaga iibinayo Monaco oo lacagtiisa isla meel dhigeen.
Liverpool oo lasoo wareegtay saddex ciyaartoy xagaagan, ayaa waxay hadda iska diraysaa siddeed laacib oo kale oo loo carbinayo mustaqbalka kuwaas oo qaab amaah ah lagu siinayo naadiyada Ingriiska.
Tababare Jurgen Klopp ayaa go’aamiyey in ciyaartoyda heerkoodu gaadhay inay si joogto ah uga ciyaari karaan horyaallada heerka labaad ama koowaad ee dalalka kale in lagu diro amaah ah, taas oo uu rumaysan yahay inay tayadooda ciyaareed si weyn sare ugu qaadi doonto marka la barbar-dhigo inay kooxdooda da’yarta kusii sugnaadaan.
Ciyaartoyda kasoo baxay kulliyadda da’yarta Melwood ee la dirayo ayaa waxa ka mid ah Owen Beck oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan ee da’yarta, waxaana sidoo kale raacaya Paul Glatzel, Leighton Clarkson iyo Jake Cain.
Ciyaartoydan ayaa la filayaa in ay u wareegaan kooxaha Tranmere Rovers, Blackburn Rovers iyo Newport County.
Sidoo kale, Rhys Willimas iyo Sepp van den Berg ayaa iyagana fursad loo siinayaa inay ku tagaan kooxo ay ka hleaan boos joogto ah, sidaas oo kalena waxa ah laacibka da’da yar ee Kidderminster Harriers.
Swansea City ayaa la filayaa inay ka mid noqoto kooxaha ciyaartoydan da’yarta la wareegaysa qaarkood, halka Preston North End ay xiise u muujisay Van den Berg.