Home Warka Xiisaha Leh Kooxda kubadda cagta Manchester United oo afduubanaysa xiddiga ay Liverpool tallaabooyinka u...

Kooxda kubadda cagta Manchester United oo afduubanaysa xiddiga ay Liverpool tallaabooyinka u jirto

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa afduubanaysa xiddiga ay Liverpool tallaabooyinka u jirto ee Romeo Lavia oo uu tababare Jurgen Klopp u doortay inuu noqdo beddelka laacibka reer Brazil ee Fabinho ee heshiiska la gaadhay kooxda Sucuudiga ee Al-Ittihad.

Manchester United ayaa la sheegay inay diyaarisay dalab ay ka gudbinayso Romeo Lavia oo ay kooxdiisa Southampton dalbanyso £50 milyan oo Gini, balse laba jeer oo ay Liverpool dalabyo ka gudbisay ay intaba gaabis ka tahay.

Laacibkan kasoo baxay kulliyadda Manchester City ayaa waxa sidoo kale dib ugu soo rogaal-celisay Chelsea oo hore xiise ugu muujisay, balse hadda ay dhab ka tahay kaddib markii ay Brighton ka diidday dalab £88 milyan oo Gini ahaa oo ay Blues ka gudbisay Caicedo.

Red Devils oo la sheegay in ay sidoo u dhowdahay Sofyan Amrabat oo ay Fiorentina kala soo wareegayso, ayaa waxay si lama filaan ah ugu dhaqaaqday Romeo Lavia saacado kaddib markii ay hubsatay in ay gacanta ku dhigtay weeraryahanka Denmark ee Rasmus Hojlund oo ay kala soo wareegtay Atalanta, kaas oo ay kasoo bixinayso £72 milyan oo Gini.

Si kastaba ha ahaatee, Lverpool ayaa waxa la sheegay inay la socoto damaca Manchester United iyo Chelsea, waxaanay dedejin doontaa hawlgalka ay kula soo wareegayso Lavia si aanay fursad uga helin Red Devils iyo Blues.

Previous articleWAR DEG DEG AH:Kooxda kubadda cagta Liverpool oo si rasmi ah ugu dhawaaqday kabtankeeda cusu
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maanta Oo Talaado Ah 01-da July

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here