Kooxda kubadda cagta Real Madrid oo ku guuleystay UEFA Super Cup markii shanaad

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleystay UEFA Super Cup markii shanaad taariikhda, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda reer Germany ee Eintracht Frankfurt, waxaanay la sinmeen AC Milan iyo Barcelona oo ahaa labada kooxood ee ugu guulaha badnaa koobkan.

Laba gool oo labadii qaybood ee ciyaarta ay kala dhaliyeen David Alaba iyo Karim Benzema ayaa Real Madrid ku hoggaamiyey guusha koobkan ay ku furteen xilli ciyaareedka, iyaga oo sii wata guulihii usoo bilowday xilli ciyaareedkii hore ee ay saddexda koob kusoo guuleysteen.

David Alaba ayaa daqiiqaddii 37aad hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa Real Madrid kubbad uu ka helay goolka hortiisa oo uu madax ugu soo dhiibay Casemiro, taas oo uu si fudud lugta bidix ugu dhamaystiray, halka goolka labaadna uu darba xooggan oo bannaanka xerada ganaaxa ah ku dhamaystiray Karim Benzema oo daqiiqaddii 65aad u dabbaal-degay goolkiisa.

Ciyaartan oo ka hor intii aanay bilaabmin la guddoonsiiyey Benzema iyo Vinicius Junior abaal-marinta ciyaartoydii ugu wanaagsanaa Champions League xilli ciyaareedkii tegay, ayaa waxa qaybta hore si xooggan ku bilaabatay Eintracht Frankfurt oo laba kubbadood oo halis ahaa uu ka badbaadiyey Thibaut Courotois, hase yeeshee Vinicius Junior ayaa isagana uu goolhaye Trapp uu ka qabtay laba kubbadood oo halis ahaa, halka Karim Benzema uu isaguna birta dhinac mariyey kubbad loo qaatay goolka, ka hor intii aanu Alaba dhalinin koowaad ee ciyaarta.

Qaybtii labaad ayay Real Madrid bandhig heersare ah iyo ciyaar qaan-gaadh ah soo bandhigtay, waxaana hurdada ka toosay Toni Kroos iyo Luka Modric, inkasta oo kubbad-sameeyaha reer Croatia uu ka hooseeyey heerkii looga bartay oo ay muuqatay in uu nasasho dheer galay.

Casemiro ayaa darbad xooggan oo uu ku toogtay lugta bidix ku garaacay Birta ka hor intii aanu Benzema shabaqa soo taabanin, hase yeeshee Vinicius Junior ayaa ku dhowaaday inuu keeno gool saddexaad markii uu kubbadda kala goo galay dhinaca bidix ee uu goolhaye Trapp ula dhowaaday, waxaana laga qabtay.

Toni Kroos iyo Fede Valverde ayaa sameeyey isku dayo aanay la helin goolka, balse Eintrach Frankfurt oo dedaal badan ay samaynayeen ciyaartoydeedu ayaa waxay awoodi weyday inay goolhaye Thibaut Courtois kubadda dhaafiyaan.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa waqti dambe soo geliyey saxeexyada cusub ee Antonio Rudiger iyo Tchouameni oo koobkoodii koowaad la qaaday Real Madrid kulankiikoowaad ee ciyaar tartan ah ee ay u saftaan.

Tababaraha Talyaaniga ayaa taariikh cusub loo diiwaangeliyey caawa, waxaanu noqday tababaraha kaliya ee ku guuleystay shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub ee Premier League, Serie A, LaLiga, Bundesliga iyo Ligue 1, sidoo kalena raaciyey afar Champions League iyo UEFA Super Cup oo uu hadda rikoodhkiisa ku darsaday mar kale.

Real Madrid ayaa koobka UEFA Super Cup ku guuleysatay sannadihii 2002, 2014, 2016, 2017 iyo 2022, waxaanay sidaas ku barbarreeyeen Barcelona iyo AC Milan oo min shan jeer ku guuleystay, waxaanay hadda yihiin saddexda kooxood ee ugu guulaha badan koobkan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*