Home Wararka Ciyaaraha Kooxda Liverpool oo bar-baro lama filaan ah kala kulantay kooxda Brighton

Kooxda Liverpool oo bar-baro lama filaan ah kala kulantay kooxda Brighton

0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa sii wadata murugada iyo xilli ciyaareedka xun ee ay ku jirto, waxaanay xajisan kari wayday guul gacanteeda ku jirtay oo ay daqiiqadihii ugu dambeeyey ogolaatay in Leandro Trossard uu saddexlay ka dhaliyo, kulan kusoo dhamaaday 3-3 oo ka dhacay Anfield.

Liverpool ayaa lumisay laba dhibcood oo kale, waxaanay 11 dhibcood ka hoosaysaa Arsenal oo hoggaanka haysa, xilli uu garoonkoodu noqday meel la wada leeyahay oo aanay ka xigin kooxaha kale.

Leandro Trossard ayaa laba gool oo daran-doorri ah u dhaliyey Brighton daqiiqadihii 4aad iyo 17aad, waxaanay sidoo kale heleen fursado dahabi ahaa oo ay kusii dheeraysan karayeen hoggaanka.

Xidiga Roberto Firmino ayaa dhamaadka qeybta hore Daqiiqadii 33aad gool u dhaliyay isagoo gool labaad ku daray Daqiiqadii 54aad Reds ayaana hogaanka dheereesatay kadib gool uu iska dhaliyay Adam Webster waxase goolkaasi diiday Leandro Trossard oo dhaliyay goolkiisa 3aad guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 3-3.

Liverpool ayaa haysata 10 dhibcood oo ay ka heshay toddoba ciyaarood oo horyaalka ah oo ay dheeshay, waxaanay taasi ka dhigan tahay in ay 11 dhibcood  ka dambaysao Arsenal oo haysa hoggaanka horyaalka, halka toddobadaas kulan ay kaliya laba jeer badiyeen.

Shaxda Labada Kooxd ee Kulankan

Liverpool XI: Henderson, Thiago, Matip, Alisson, Firmino, Salah, Van Dijk, Fabinho, Tsimikas, Alexander-Arnold, Fabio Carvalho

Subs: Milner, Adrian, Arthur, Joe Gomez, Jota, Luis Díaz, Darwin Núñez, N. Phillips, Elliott

Brighton XI: Webster, Welbeck, Gross, Veltman, Dunk, Trossard, March, Pervis Estupiñán, Robert Sánchez, Mac Allister, Moisés Caicedo

Subs: Lallana, Steele, Deniz Undav, K. Mitoma, Jeremy Sarmiento, Gilmour, Tariq Lamptey, Julio Enciso, Levi Colwill

 

 

Previous articleGuusha Arsenal ee Tottenham oo Xaqiiqooyin Cusub laga diiwaangaliyay.
Next articleChelsea oo guul Dirqi ah ka gaartay Crystal Palace, Pierre-Emerick Aubameyang oo Shabaqa soo taabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here