Home Warar Ciyaaraha Maanta Kooxda Liverpool oo ku soo laabatay wadada guulaha premier League

Kooxda Liverpool oo ku soo laabatay wadada guulaha premier League

0

Kooxda Liverpool ayaa ku soo laabatay wadada guulaha premier League iyaga oo garaacay kooxda Kooxda Bournemouth.

Bournemouth ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Liverpool ku qaadayay weeraro halis ah.

Kooxda Bournemouth ayaa gool wakhti hore ah kaga naxsatay kooxda Liverpool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Liverpool ayaa maamulka ciyaarta la wareegtay iyaga oo u diiday Bournemouth in ay samayso fursado kale.

Daqiiqadii 26-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Luis Diaz kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Xiddiga Diaz ayaa laba daqiiqo kadib soo laabtay waxana uu goolka 2-aad u dhaliyay kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Xiddiga Darwin Nunez ayaa daqiqiadii 37-aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Wax aisdaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool ku soo laabatay wadada guulaha premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here