Home Horyaalka Ingiriiska Kooxda Liverpool oo Rikoor xun dhigtay kadib bar-bardhicii ay kala kulantay West...

Kooxda Liverpool oo Rikoor xun dhigtay kadib bar-bardhicii ay kala kulantay West Brom

0

Kooxda Liverpool ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa horyaalka premier League oo ka dhacay Anfield.

Gool uu Sadio Mane u dhaliyay ayaa ka caawin waayay Reds in ay 3-da dhibcood kala baxdo kulanka oo ay ahaayeen kooxda maamulaysay ciyaarta.

Kadib bar-barahaas kooxda Liverpool ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay ka dhigtay premier League gaar ahaan garoonkeeda.

Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee ay Liverpool dhibco ku lumiso garoonkeeda Anfield iyaga oo waliba ku hor maray goolka lana ciyaaraya koox ku jira boosaska looga hadho horyaalka tan ilaa December 2016 markaas oo ay bar-baro 2/2 ah la gashay West Ham.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here