Kooxda Liverpool oo Ruben Semedo ku soo dartay Daafacyada ay Suuqa ka dooneyso

Kooxda Liverpool ayaa liiska daafacyada ay saxeexooda doonayso si ay ugu xaliso dhibka dhaawacyada safkeeda dambe haleelay ku darsatay dambeedka xulka qaranka Portugal iyo kooxda Olympiacos ee Ruben Semedo.

Jurgen Klopp ayay u muuqataa inuu hubaal daafac dhexe oo cusub lasoo saxeexan doono bisha January kaddib dhaawacyo mudo dheer ah oo loo jaray lamaanihii booskaas ee Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez.

Van Dijk ayaa seegi kara dhammaan inta xilli ciyaareedka ka hadhay kaddib qaliin jilibka loogaga sameeyay isagoo ku dhaawacmay kulankii Merseyside Derby halka Joe Gomez oo ku dhaawacmay tababarka xulka England qudhiisa uu qaliin jilibka ah maray bilooyin badana maqnaan doono.

Dhibaatadaas daafac ayaa ka dhigan in Joel Matip oo qudhiisu dhaawaca u nuguli uu yahay daafaca dhexe ee kaliya ee kooxda waaweyn ka tirsan ee taam u ah Reds.

Sidoo kale Fabinho oo asal ahaan bur-buriye khad dhexe ah balse daafaca dhexe ka ciyaari kara ayaa ku jira kasoo kabashada dhaawac gaadhay kahor kulanka Leicester City ee toddobaadkan.

Ruben Semedo oo sidoo kale ka ciyaari kara booska bur-buriyaha khadka dhexe ayaa kamid ah xulashada xiddigaha bar-tilmaameedka u ah Liverpool si lamid ah David Alaba oo Bayern Munich ka tirsan.

Semedo oo laba jeer usoo saftay xulkiisa Portugal ayaa usoo ciyaaray kooxaha Sporting Lisbon iyo Villarreal kahor inta uusan ku biirin Olympiacos sanad kahor.

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*